LUBNAAN: Gabar Nigerian ah oo Facebook lagu iibinayey oo lasoo badbaadiyey (Dhacdo naxdin leh)

0

(Bayruud) 23 Abriil 2020 – Haweeney Nigerian ah oo sicir $1,000 doollar ah loo gooyey lana soo dhigay Facebook ayaa laga soo badbaadiyey dadkii iibin lahaa dalka Lubnaan, sida ay sheegtay dowladda Nigeria.

Haweenaydan oo da’da 30-jirka ku jirta kana soo jeedda magaalada Ibadan ee bariga Nigeria ayaa haatan “nabad gashay” iyadoo lala xiriirsiiyey walaalkeed oo ku sugan Nigeria, sida ay Jaalliyadda Nigeria ee dibedda oo hoos tagta Wasaarad Dibadeedka dalkaasi ay u sheegtay Middle East Eye.

Booliiska Lubnaan ayaa maanta soo qabtay Wael Jerro, oo ah ninka lagu tuhunsan yahay inuu iidhehdan dad iibinta ah soo dhigay Facebook, taasoo dembi wayn ka ah dalkaasi.

“Shaqaale Nigerian ah ayaa iib ah iyadoo wadata dokumentiyo sharci ah oo cusub. Waa 30-jir, waa firfircoon tahay, waana nadiif. Sicirka: $1,000,” ayuu kusoo qoray Facebook.

Dadka ayaa deeto caro uga fal-celiyey falkan yaqyaqsiga leh, iyadoo uu qof soo qoray: “Dadoow arka waxa uu ninkani samaynayo. Wuxuu gabar adeegto ah oo Nigerian ah ku iibinayaa $1000.”

Tacaddiyada adeegtooyinka ayaa joogto ka ah dalka Lubnaan oo uu ka jiro hannaanka kafaaladu, iyada oo la qiyaasayo inay todobaadkii ku dhintaan ugu yaraan 2 adeegto, kuwaasoo ay qaarkood is dilaan.

Bishii Maarso waxaa la helay maydka gabar 23-jir ah oo Ghanaian ah maalmo uun kaddib markii ay qayla dhaan ”halla i badbaadiyo” ah soo marisay baraha bulshada.

Hadalsame Media