KASHIFAAD: Ingiriiska oo dadka ka qarinaya XOG xasaasi ah oo ku saabsan Covid-19 (Dalal kale oo…)

0

(London) 19 Abriil 2020 – Tirada dadka waayeelka ah ee coronavirus ugu dhimanaya guryaha lagu xannaaneeyo ayaa la sheegay inay aad uga badan yihiin, inta la diiwaan geliyo.

Waloow ay UK soo bandhigtay inay dhinteen 219 qof tan iyo 3-dii Abriil, Hay’adda National Care Forum (NCF) ayaa sheegaysa in tiradu ay gaarayso 4,040 oo geeri ah tan iyo Abriil 13, taasoo gaareeysa 7,337 marka lagu daro inta isbitaallada la geeyey.

Hay’adda NCF ayaa diiwaankan kasoo heshay 47 ka mid ah 115 xarumood oo ururkaasi xubno ka ah, kuwaasoo bixiya 7.4% adeegyada noocan ah ee dalka K.

 

Dalal badan oo Galbeedka ah ayaa si ay geerida u dhimaan waxay ka saaraan waayeelka ku dhinta xannaanada dadka waawayn oo ay qaarkood dawooyinka u diidaan iyo dadka cudurka u dhinta balse horay u qabey cudurro kale.

Hadalsame Media