Horyaalka Talyaaniga oo lasoo jeediyey in lagu dheelo 4 magaalo oo qura (Magacyada magaalooyinka & ciyaartooyda oo durba loo yeerey)

0

(Roma) 18 Abriil 2020 – Maadaama ay kala bar ka tirsan geerida guud ee Talyaanigu ka diiwaan geliyey cudurka Covid-19 ay yihiin gobolka Lombardia, kulamada Serie A ayaa lasoo jeediyey in lagu dheelo 4 magaalo oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Talyaaniga.

Walter Riccardi oo la hadlayey Radio Punto Nuovo isla markaana xubin ka ah WHO, isagoo la taliye u ah Guddiga Olombikada Talyaaniga ee CONI ayaa soo jeediyey in lagu dheelo magaalo oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Talyaaniga, tiiyoo ay albaabadu u xiran yihiin.

Sida ku dhigan Corriere dello Sport, waxay magaalooyinkaasi kala yihiin; Florenza, Roma iyo Napoli, iyadoo midda 4-aad la baar baarayo.

Cudurka koroonaha ayaa waloow uu eber ka dhigay woqooyiga Talyaaniga waxaa aad uga caynta bartamaha iyo koonfurta Talyaaniga.

Waxaa todobaadkii hore lasoo jeediyey in ciyaaraha harsan oo dhan lagu dheelo caasimadda Roma, iyada oo ay albaabadu u xiran yihiin.

Kooxaha ka dhisan Lombardia ee uu cudurku sida xun u galay waxaa ka mid ah AC Milan, Inter, Brescia iyo Atalanta.

Gobollada dhexe iyo koonfurta waxaa sidoo kale ku yaalla garoomada Frosinone iyo Benevento oo ah kuwo cusub.

Kooxaha Talyaaniga ayaa durba bilaabay inay u yeertaan ciyaartooyda shisheeyaha ah, kuwaasoo wixii Khamiis loo gaaro geli doona karaantiil 14-cishe ah, si tababarka loo bilaabo 3 ilaa 4-ta Maajo, iyadoo ciyaaraha la bilaabi karo dhamaadka isla bishaas.

Hadalsame Media