DAAWO: Dal uu xukumo MW inkirsan halista Covid-19 oo ay is dhex yaallaan maydkii & bukaannadii cudurku (Ha daawanin haddii aadan awoodin)

0

(Hadalsame) 18 Abriil 2020 – Waxaa soo baxaya muuqaallo cabsi leh oo muujinaya maydka dadkii u dhintay coronavirus oo weli dhex yaalla qolal ay sidoo kale ku jiraan dad weli nool oo cudurka la tacaalaya.

Kaaga darane arrintan ayaa ka socota dalka Brazil oo uu xukumo nin lagu naanayso ”Trump-ka Laatiin Ameerika” oo aalaaba yaraysta halista cudurka Covid-19.

MW Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa dood dheer kiciyey kaddib markii uu shacabka dhex galay, isagoo sidoo eryey Wasiirkii Caafimaadka, Luiz Henrique Mandetta, oo ay isku khilaafeen in cudurka si muuqata loo wajoho.

Waxaa muuqaalka lasoo duubay laga arkayaa ilaa 14 qof oo mayd ah oo u dhintay COVID-19 oo ag yaalla bukaannada isbitaalka jiifa, taasoo khalad ah caafimaad ahaan, niyad ahaan iyo anshax ahaanba.

Sawirradan naxdinta leh ayaa laga soo duubay Isbitaalka Joao Lucio Emergency Hospital ee magaalada Manaus oo ah caasimadda maamul-goboleedka dhaca woqooyiga Brazil ee Amazonas.

Xeeldheerayaasha ayaa ku doodaya in Brazil aysan weli gaarin figta sare ee cudurka, balse MW Bolsonaro ayaa ku doodayo ‘wuxu waa uun hargab yare.’

Wasiir Mandetta, oo sidoo kale ah dhakhtar lafood oo aad loo xushmeeyo ayaa soo jeediyey in dadka cudurka qaba la karaantiilo, dadkuna ay kala sikadaan, taasoo xilkii looga qaaday.

Dad ay Soomaalidu ugu horreeyso ayaa ilaa iminka laga dhaadhicin la’yahay cudurkan iyo halistiisa. ”Adeer waa hargab” ayuu ku doodayey oday aan kusoo baxay in isaga oo cudurka qaba laga saari la’yahay meel makhaayad ah.

Hadalsame Media