Xiriirka ka dhaxeeya dareenka Uriska oo dhuma iyo Cudurka COVID19

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2020 – Bukaannada qaba cudurka COVID19 qiyaastii 25% ilaa 50% kama soo muuqdaan wax astaamo ah, halka bukaannada qaar lagu arko calaamadaha ugu caansan sida; qandho, qufac, neefsashada adkaato.

Haddaba, bukaannada uu ku dhacay cudurka COVID-19 ayaa lagu arkay cabasho la xariirta dareenka uriska iyo dhadhanka oo dhuma. Inkastoo fayraska sababa hargabka caadiga ah uu caan ku yahay calaamadaan.

Toddobaadyadii dhowaa dhakhaatiirta la tacaalesay daaweynta bukaannada la xaqiijiyey ee qabay cudurka COVID-19 waxa ay soo gudbiyeen in dareenka uriska iyo dhadhanka oo dhuma ey ku arkeen bukaanno badan oo ay daaweynayeen.

Ururka ee ku midaysanyihin dhakhaatiirta Cunaha, Sanka iyo Dhagaha ee Mareekanka iyo dhiggooda dalka Ingriiris oo ka hadlay arintaan ayaa soo jeediyey in uriska iyo dhadhanka oo dhuma loo aqoonsado mid ka mid ah calaamadaha looga shakin karo jiritaanka cudurka COVID-19.

Ururadaan oo soo xiganaya dhambaalo ka imaaday dalka koonfurta kuuriya halkaas oo 30% bukaannada qabay cudurka calaamadooda ugu weyn aheyd dareenka uriska oo dhuma, halka dalka Jermani dhaqaatiirtu arkeen seddexdii (3) qof ee qaba cudurka COVID19 labo (2) ka mid ah ey lahaayeen cabasho la xariirta dareenka uriska.

“Waxaan ku aragnay cabashadaan bukaanno badan laakiin weli lama oran karo waa calaamad sax ah oo la xariirta cudurka COVID-19” sida waxaa yiri, madaxa xarun ka shaqeysa cudurada uriska iyo dhadhanka ee jaamacadda Florida ee dala Mareekanka

Dhinaca kale, cilmibaaris horudhac ah oo laga sameeyey 12 Cisbitaal oo ku yaala dalalka yurub kana qeyb qaateen 417 qof oo la xaqiijiyey in ey qabaan cudurka COVID19  ayaa 85.6% dadkii qeybta ka ahaa cilmibaarista ey ka cabanayeen uriska oo dhuma halka 88% ay ka cabanayeen dhadhanka oo dhuma.

Maxaa fariin ah oo laga qaadan karaa arrintaan?

Waxaa muhim ah in foojignaan dheeri ah la yeesho haddii aad isku aragto dareemaha uriska oo kugu yaraado waayo waxaa dhici kara in ey bilaaw u tahay calaamadaha cudurka COVID19 ilaa iyo inta sheybaar ahaan laga xaqiijinayo, sidoo kale in aad is karantiishid haddii calaamadahaas isku aragto si aad u illaalisid badqabka dadka kula nool. Ugu dambeyn, la xariir xarumaha wasaradda caafimaadka ugu talo gashay cudurka COVID-19.

Isha: Somalihealth.net

Hadalsame Media