DF oo xirtey ”xadka” ay Somalia la wadaagto Itoobiya + Sawirro

0

(Beledwayne) 14 Abriil 2020 – Ciidamo ka tirsan DF Somalia ayaa lasoo sheegayaa in saacadihii yaraa ee ugu dambeeyay la geeyey ”xadka”  ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Itoobiya.

Ciidankan ayaa la sheegay in halkaa loo geeyey si ay ula socdaan waxyaabo ay mamnuucday DF Somalia oo xadka kasoo gudba sida Jaadka, si loo xakameeyo caabuq sidaha Coronavirus.

Wefdi uu hoggaaminayo Guddoonka cusub ee Gobolka Hiiraan, Md Cali Jeyte Cismaan ayaa gaarey degaanno ku teedsan xadka si uu u eego ciidamo Booliis ah oo uu maamulkiisu ku xoojiyey kuwa millateriga ee halkaa jooga.

Waxaa tillaabadan lagu baajinayaa Jaad iyo dad la sheegay inay halkaa kasoo gudbaan, jeer ay DF horay u sheegtay inay xirtey xadadka la aqoonsan yahay ee dalka.

DF ayaa horay u xirtey goobta la iskaga gudbo ee Beled Xaawo iyo Mandheera, tillaabo kale oo lagula xaalayo cudurka laayaanka ah ee Covid-19.

Hadalsame Media