RAJO: Yurub oo bilaabaysa inay khafiifiso handaraabkii uu sababay Covid-19 & dalalka khafiifinaya+ Sawirro

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2020 – Yurub ayaa tillaabadii ugu horreeysey u qaadaysa sidii xaaladda caadi loogu soo celin lahaa, iyadoo ay shalay Spain debcisey xannibaado badan.

Dhowr dal ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay debcinayaan handaraabka oo iminka ku dhowaad bil jirsaday.

Spain iyo Italy – oo ah labada dal ee uu dhulka la galay caabuq sidaha coronavirus – ayaa dib u dhisay wershadaha qaarkood. Germany ayaa ka baaraan degaya inuu iskuullada dib u furo wixii loo gaaro Isniinta soo aaddan.

Malaayiin ka tirsan shaqaalaha Spanish-ka ayaa shaqooyinkii aan asaasiga ahayn ku noqday shalaytoole, sida kuwa dhismaha, nadaafadda iyo kuwa maraakiibta dhisa.

Dalalka Denmark, Austria iyo Norway ayaa iyaguna doonaya inay xayiraadaha khafiifiyaan, halka Sweden aan marna xayiraad adag iyo handaraab lasoo rogin, waxaana maalintii 3-aad si aad ah dalka Sweden hoos u dhacaysey tirada geerida.

Hadalsame Media