YAAB: Dalalka sida ugu wanaagsan ula macaamilay Covid-19 waxaa wada xukuma HAWEEN (Arag caddaynta)

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2020 – Awoodda hoggaamiyaha waxaa la ogaadaa marka ay xasaradi soo fool yeelato. Min Iceland ilaa Taiwan iyo Germany ilaa New Zealand, haween madax ah ayaa waxay dunida tuseen sida loola xaalo xasaradaha soo booda sida Covid-19.

Safkaa ku dar Finland, Iceland iyo Denmark, waxaana caddaatay inay haweenku leeyihiin awood maamul.

Dad badan baa ku doodi kara inay yihiin dalal yar yar, jasiirado ama waxyaabo kale, Yeelkeede, Germany waa dal wayn, halka UK ay tahay jasiirad, sida ay cudurkan ula xaaleenna farqi wayn ayaa u dhexeeya.

Maxaan ka baranaynaa?

Angela Merkel, Shansalarka Jarmanka, ayaa bilowgiiba istaagtey iyadoo dadkeeda u sheegtay in cudurkani uu yahay mid halis ah oo ku dhici kara wax ka badan 70%.

“Waa halise halis u arka,” ayay xusuusisay, markiibana waxaa la bilaabay la tacaaliddiisa, iyadoo aan lagu mashquulin inkiraadda, ku jeesjeeska iyo yaraysiga aan meelo kale ku aragnay, taasoo Jarmanka ka dhigtay dal aad uga wanaagsan dersaantiisa, arag Talyaani iyo Faransiis, haddana u gudbaya wejiga 2-aad.

Jacinda Ardern oo xukunta New Zealand waxay handaraabka soo rogtey xilli hore waana caddahay inay tillaabadaasi wax badan tartay oo dalkaa waxaa ilaa iminka laga diiwaan geliyey 4 dhimasho oo qura oo la xiriirta Covid-19. Taiwan waa 6, halka Iceland ay ka dhinteen 8 qofi.

Sababta lama yaqaan, balse waxaa loo badinayaa inay dumarku inta badan ka damqasho badan yihiin ragga, maadaama ay ka caadifisan yihiin.

Hoos ka eeg taxa oo dhan:

Hadalsame Media