”Sariiraha noo banneeya!” – Covid-19 oo ku dhacay xubnihii ugu badnaa ee qoyska reer boqor & tillaabo ay ku dhaqaaqeen

0

(Riyaad) 12 Abriil 2020 – Isbitaallada horseedka ah ee Sucuudiga ee daweeya xubnaha boqortooyada ayaa la sheegay in heegan sare la geliyey, kaddib markii uu cudurka Covid-19 uu weerar kusoo qaaday xubnahaasi.

In ka badan 150 xubnood oo boqortooyada ka tirsan ayuu cudurku ku dhacay, sida uu todobaadkii tegey qoray New York Times.

Qofka ugu sarreeya ee uu cudurku ku dhacay waa Amiir Faisal Bin Bandar Bin Abdulaziz Al Saud – barasaabka caasimadda Riyadh oo 70-ka ku jira.

Waxaa la sheegay inuu ku jiro qaybta Daryeelka Deg degga ah ee ICU, waxaa sidoo kale buka xubno kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada sida uu xaqiijiyey Times.

Dhakhaatiirta Boqor Faisal Specialist Hospital ayaa iminka “heegan sare la geliyey” sida ku cad warqad isbitaalka loo diray, iyadoo la diyaariyey ilaa 500 oo sariirood oo loogu tala galay wax lagu sheegay bukaanno VIP ah.

Waxaa warqadda ku cad in Isbitaalka lagu amray in la saaro dhamaanba bukaan jiifyada joogtada ah, kaliyana la qabto wixii deg deg ah, sida ugu dhaqsaha badan.

Boqor King Salman oo 84-jir ah ayaa isku karaantiilay qasri ku dhex yaalla jasiirad u dhow magaalada Jiddah oo ku taalla Badda Cas, halka uu Amiirka Mohamed Bin Salman (MBS) uu isna ku jiro guri ku yaalla isla jasiiraddaas, iyadoo ay wehliyaan wasiirraddu.

Hadalsame Media