Sababta loogu bixiyey corona & geesaha kuu muuqdaaba waa ka xeel dheer yihiin sida aad moodayso (Wax badan ka baro caabuq sidaha Covid-19)

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2020 – Magaca fayraska Karoona micnihiisu waa ‘Taaj’. Dusha wuxuu ku leeyahay qodxo yaryar oo ka caawiya inuu isku dhejiyo unugyada jirka qofka uu ku dhacayo. Fayrasku uma tarmo sida bakteeriyada waayo maba noola. Marka ka soo qaad in fayrasku yahay sida qalab warshadi soo saartay (robot, taleefan, IWM).

Wuxuu u baahan yahay warshad samaysa oo markaas tarmisa. Warshaddaas waa inay haysataa qalabka uu ka samaysan yahay fayrasku sida barootiin, libids iyo nucleotides. Kuwaas oo dhan meesha laga heli karo waa unugga jirka dadka. Marka waa in faysarsku helaa unug uu dhexgalo sidaasna uu ugu rogo warshad isaga oo kale soo saarta.

Markuu fayrasku isku dhejiyo unug jirka ka mid ah (sida kuwa badan sambabka), wuxuu unugga siiyaa amarro badan oo u sheegaya sidii unugga uu u dhisi lahaa fayrsayo kale. Amarradaasi waxay fayraska ugu jiraan qaybtiisa nucleotides (RNA) waana qaybta ka hoosaysa dahaarkiisa sare. Ogow dahaarka fayrasku wuxuu awood u siiyaa keliya inuu dhex galo unugga.

Marka uu fayrasku hubsado inuu ku dhexjiro unug, dahaarku waa dillaacaa oo waxaa soo baxa qaybtii hoose ee RNAga ahayd ee awoodda u lahayd inay waalli ku riddo unugga si uu shaqadii uu jirka u hayey uga tanaasulo oo uu addoon ugu noqdo fayraska una sameeyo fayrasyo u eg kan soo dhex galay.

Ilaahay amarkiis, unuggu inkastoo uu waalan yahay oo hawl aan loo dirin uu faraha kula jiro, haddana wuu gartaa in waxa uu samaynayo ay yihiin wax jirka dhib ku ah markaas, isagoo weli samaynaya fayrasyo, ayuu sii daayaa farriin uu ugu sheegayo unugyada difaaca inuu jirka dhib ku yahay oo ay markaas waajib tahay in isaga tallaabo laga qaado.

Farriintaas waxaa markiiba hela unugyada jirka ee T-cells la yiraahdo oo ah kuwo u carbisan una qalabysan inay jirka ka difaacaan wixii dibedda uga yimaada.

T-cells waxay markaas soo daayaan dheecaanno sun ah oo dila unigga isu beddelay warshadda. Unuggu in kastoo uu miyir beelay oo rooxaamo kale ku sahqaysanayaan, ma illaawo inuu yahay waddani u dhashay jirkan ayna waajib ku tahay inuu diro farriin isaga lagu dilayo.

Sida ay unugyada T-cells u dumiyeen warshaddan ayaa jirku ku qortaa meel, si haddii mar dambe isla fayraskan jirka ka dhex samaysto warshad kale, ay ula dagaalamaan sidii kii hore.

Waxaad moodda in fayrsaku og yahay in mar uun warshadda laga burburin doono, marka wuxuu isaguna malaayiin isaga ah sii raaciyaa dheecaamada ka soo baxaya qofka sida cadhuufta si uu u helo qof cusub oo, haddii warshaddaan laga burburiyo, uu uga samaysto warshad cusub oo aanu u dabar go’in. Waagii uu wiilkii Shiine cunay bahalka, fayrsakii jirkiisa galay ayaa hadba warshad cusub u sii gudbaya waana soconayaa ilaa uu waayo warshad uu ku tarmo.

Qaybaha cilmiga ah ee maqaalka waxaan ka kororsaday The Guardian, maqaal ay qortay Dr. Zania Stamataki.

Waxaa Tarjumey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media