SIR QARAN: Sweden oo eedday ku dhowaad 8 milyan oo MAASGARE oo ay gubtey 6 sano hadda kahor (Muuqaal + Sawirro)

0

(Stockholm) 11 Abriil 2020 – Kayd aad u wayn oo qarsoodi ah ayaa ku yaalley koonfurta Stockholm. Yeelkeede, Aftonbladet oo heshay muuqaalka inta aan kaydkaa la burburin ayaa iminka soo bandhigtay.

Waxaa xaruntaa ku kaydsanaa malaayiin ah maasgaraha laga xirto weerarrada kiikimada iyo kuwa bayolojiga ah, waxaana ku wada deganaa baaj ay ku qoran tahay “maasgaraha ilaalinta dadwayaha”.

Kaddib go’aan kasoo baxay Baarlamanka Sweden 1982-kii, waxaa la bilaabay kaydinta maasgarayaal gaarayey  7.3 milyan oo xabbo, kuwaasoo loogu tala galay in marka laga soo tago weerar kiimiko ama bayoloji ah, ay sidoo kale dadku kaga gaashaantaan kaah-fallada nukliyeerka iyo gaasaska halista ah ee wershadaha.

Johan Antus oo halkaa booqday 2010-kii ayaa sheegay in ay agabkan da’du ka daba timid, sidaa darteed ay Waaxda Ilaalinta Dadwaynaha iyo Diyaar-garowga Sweden ee MSB go’aamisey in la burburiyo gebigood.

Yeelkeede, waxaa agabkaa ku jirey qaar la isticmaali karo haddii mid mid loo eegi lahaa, balse waxay hay’addu u aragtay in aan 8 milyan oo sheey ku dhowaad aan sidaa loo baari karin, marka waxaa sahlanaatey in la gubo, sida uu sheegay Svante Werger, oo la taliyaha dhanka istaratijiyadda ee MSB.

SWEDEN OO MOODDEY INUU DHIBKII DHAMAADAY

Sanaddii 2014-kii, MSB waxay go’aamisey inay joojiso barnaamijyada diyaar-garowga noocan ah, waxayna dabka saartay 7.3 milyan oo maasgare oo muhim ah.

6 sanadood kaddib waxaa Sweden ku dhuftay Covid-19 oo uu RW dalku qirtay inaysan ugu diyaar garoobin si ku filan.

Halkan ka daawo….

Hadalsame Media