Arag inta meelood ee ay ku khaldanayd warqaddii kasoo baxday WWF (Yuusuf Garaad oo wax ka qoray)

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2020 – Hayb sooc, midab takoor, sinji diid iyo faquuqid diintaada darteed lama yareysan karo. Waayo mid kastaa waa xad gudub xuquuqda Aadanaha.

Waa sababta aniga oo qaddarin sare u haya Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Waaxyaheeda kala duwan, haddana aanan uga aammusi karin warqadda xadgudubka ah ee la faafiyay si aanay noogu horseedin waddo khalad ah.

Hayb iyo midabka oo uu soo raaco joogga iyo ilaa xad miisaanku waa waxa aad ku dhalatay oo aanad waxba ka qaban karin. Intaas midkoodna la isma weydiiyo marka shaqo loo tartamayo.

Diintu aad ugama foga. U fiirso dadka adduunka badankood waxay haystaan diinta ay ku dhasheen ee ay waalidkood ka soo gaareen. Markaa diinta uu aamminsan yahay qofku waxaa lagu tirayaa waxyaabaha aanuu wax ka qaban karin. Markaa ma aha in la is weydiiyo haddii aan shaqada loo tartamayaa ahayn shaqo Hey’ad diineed sida Waacid ama Imaam.

Wax aad ku dhalatay oo aanad waxba ka beddeli karin sida madow iyo caddaan, iyo rag iyo dumar midka aad tahay, xirfad ma aha, aqoon ma aha, khibradna ma aha. Sidoo kale dherer iyo gaabni midka aad ku sifowday, caato iyo cayil midka aad ku tilmaaman tahay.

Adiga oo shaqada qaban kara hey’adda iyo waliba mas’uulka kugu takoora sifooyinkaas aanad wax ka beddeli karin, waa xad gudub xuquuqda aadanaha, waana sharci darro.

In shaqo la xayeeysiinayo la yiraahdo gabar keliya ayaa soo doonan karta waa rag-takoor.

In la yiraahdo ugu weynaan 25 jir waa da’ takoor. In dherer ama miisaan la soo hadal qaado waa takoor qofka aan ku sifoobin waxa la dalbayo waxna ka beddeli karin.

Aqoon, xirfad, khibrad iyo cod u qalma idaacad ayaa weriyayaasha shuruud looga dhigi karaa. Wixii intaa dheer waa wax kale oo aanan magacooda aqoon.

Weli waxaan ahay taageere Wasaaradda Warfaafinta, Madax iyo howlwadeen. Qaddarin weyna waan u hayaa. Waxaan aamminsan ahay in tababbar iyo wadatashi lagu baajin karo in khaladdaadka noocan ahi ay soo laabtaan mustaqbalka.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media