”Sweden waa silicsan tahay!” – Trump oo dhaliilay handaraab la’aanta Sweden & Sweden oo u jawaabtey

0
President Donald Trump speaks during a news conference with Swedish Prime Minister Stefan Lofven in the East Room of the White House, Tuesday, March 6, 2018, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

(Washington, DC) 08 Abriil 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa shirkiisa jaraa’id ku weeraray dalka Sweden mar uu ka hadlayey caabuqa corona iyo ku dhaqanka “kala durjinta bulshada”.

”Qof kasta oo aan ku dhaqmin kala durjinta bulshada hadda ayuu bilaabayaa. UK ayaa tusaale u ah,” ayuu yiri Trump isagoo raaciyey. ”Waxaad ka hadlaysaan Sweden, balse Sweden si ba’an bay u silcaysaa.”

Donald Trump ayaa sheegay in ay Sweden dhaqan gelisey qaabka loo yaqaanno ”raxanta difaaca jirka” oo farsamo ahaan u fasirmaysa qaab dadka loo fasaxayo inuu cudurku ku dhoco si ay kaddib ula qabsadaan oo difaac dabiici ah u yeeshaan, waana aragti ay UK bilowgii isku dayday, balse ay ka  noqotay.

Anders Tegnell: “Ma aqaan waxa uu ka hadlayo”

Yeelkeede, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Dadwaynaha Sweden, Anders Tegnell ayaa mar hore Sweden ka dhaqan geliyey hannaanka kala durjinta bulshada oo iminka si wanaagsan uga shaqeeya Sweden, gaar ahaan dadka loo yaqaan kuwa halista ku jira, waxaa kale oo Sweden soo rogtey xadidaado dhowr ah, waxbarashada sarena waa la xirey, balse ma jiro wax handaraab guud ah.

Barnaamij subaxeedka hilinka SVT ayaa dhaliisha Trump hor dhigay Madaxa FHM, Anders Tegnell, oo sidoo kale ah khabiir ku takhasusay cudurrada faafa.

”Ma aqaan waxa uu ula jeedo raxanta difaaca,” ayuu yiri.

Handaraab la’aanta Sweden ayaa dhaleecayn badan kala kulantay warbaahinta reer Galbeedka, balse marka la eego xaaladda guud ee Sweden, waxay aad uga kiisas yar tahay dalal mar hore la handaraabay, balse lama hubo waxa xiga oo waa xaalad is bedeleeysa.

Sweden ayaa haddii ay xeeshani u shaqayso waxay noqonaysaa dalka qura ee Yurubta Galbeed ah ee xasaradda Covid-19 ka faraxalata iyadoo weli leh dhaqaalihii oo shaqaynaya, sida uu yiri RW Stefan Löften.

Hadalsame Media