Dadka madowga ah ee Maraykanka oo noqday kuwa ugu geeri badan caabuqa Covid-19 (Maxaa ugu wacan?)

0

(Chicago) 08 Abriil 2020 – Dadka madoow ee ku nool magaalada Chicago ayaa si tarab tarab ah ugu le’anaya cudurka coronavirus, iyagoo 70% ka ah dadka dhimanaya, tiiyoo ay 30% ka yihiin tirada guud ee magaalada.

Madoowga Chicago-aawiga ah (Black Chicagoans) oo qura ma ahane, magaalooyinka kale ee ay ku nool yihiin dad badan oo madow ah sida Detroit, Milwaukee, New Orleans iyo New York, ayaa iyaguna noqday hooygii caabuqa coronavirus taasoo ay dad badani uga dhimanayaan madowga.

Wixii ka bilaabma Abriil 5, 1,824 ka mid ah kiisaska Chicago oo guud ahaan ah 4,680 ee dadka laga helay Covid-19 waa madoow. Abnaqyada kale, 847 waa caddaan, 478 waa dadka latin-ka ama Hispanic halka ay 126 yihiin Aasiyaan Chicago-aawi ah.

Chicago waxaa Axadii ku dhintay 98, kuwaasoo ay 72% madow ahaayeen. Guud ahaan marka la eego gobolka Illinois oo dhan, waxay madowgu geerida ka yihiin 41%, tiiyoo ay jirto inay tirada guud ee gobolka ka yihiin 14% oo qura.

Madaxa Caafimaadka Dadwaynaha ee Chicago, Dr Allison Arwady, ayaa warfaafinta u sheegay in dadka madoow ee magaalada Chicago ku nooli ay awalba celcelis ahaan 8.8 ka cimri yar yihiin dadka caddaanka ah.

SAWIRKA FOOSHA XUN EE UU COVID-19 BIXINAYO

Gobolka Michigan, oo ay dadka madowga ihi 14% ka yihiin tirada guud, waxay geerida ka yihiin 33%.

Magaalada Milwaukee, ee gobolka Wisconsin, oo ah magaalo cunsuriyadeed, 1,000 kiis oo Jimcihii la diiwaan geliyey 81% ka mid 27 qof oo dhimatay waxay ahaayeen madow, tiiyoo ay 26% ka yihiin dadwaynaha, sida ku cad tirakoobka ProPublica.

Gobolka Louisiana, in ka badan 70% dadka u dhintay Covid-19 waa madow, tiiyoo ay 32% ka yihiin tirada guud ee Gobolkan Khaliijka ah. 40% dadka ku dhintay caasimadda New Orleans iyo agaheeda waa madow.

MAXAA UGU WACAN?

Duqa magaalada Chicago, Md Lori Lightfoot, oo laftiisu madow ah, ayaa sheegay in sonkorta, wadane xanuunka iyo jirrooyinka neef-mareenku ay aad ugu ”badan yihiin” dadka madowga ah.

Yeelkeede, waxaa jirta inaan loo sinnayn fursadaha jira, taasoo saamaynaysa hab-nololeedka dadka madowga ah oo ku jira xaalad qaxar ah.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media