Caabuqa Covid-19 oo magaalada New York soo xusuusiyey weerarkii Seb. 11 (Akhri sababta?)

0

(New York, NY) 08 Abriil 2020 – Magaalada New York City ayay geerida coronavirus waxay si rasmi ah u dhaaftay middii weerarkii 9/11 ee ay Al Qaacidda ku qaadday halkaasi, sida uu Maraykanku sheegtay.

Ugu yaraan 3,202 ayaa ilaa haatan COVID-19 ugu dhimatay magaalada New York, waana geeridii ugu badnayd tan iyo weerarkii 2001-dii oo ay magaaladaa uga dhinteen 2,753 qof iyo guud ahaan 2,977 oo Maraykanka ka dhimatay, kaddib markii dayuurado lagu dhuftay daarihii NY, Pentagon iyo barxad ku taalla Pennsylvania Sebt. 11, 2001.

Gobolka New York ayaa shalay Talaadadii kaligii diiwaan geliyey 731 geeri ah, waana geeridii ugu badnayd maalin qura, iyadoo ay geerida guud ee gobolku tahay 5,500 oo qof, sida uu sheegay barasaabka Andrew Cuomo.

Guud ahaan 11,000 oo qof ayaa Maraykanka ka dhimatay, iyadoo ay kiisaska guud marayaan 370,000.

Yeelkeede, New York iyo dalal Yurub ah ayaa dareensan inuu cudurku gaarey figtii sare oo uu iminka hoobadkii bilaabayo garaafka cabbirku.

Hadalsame Media