Turkiga oo ku dhaqaaqay tillaabo ay Somalia uga dayan karto! (Waa maxay?)

0

(Ankara) 07 Abriil 2020 – Turkiga ayaa goor dhowayd ku dhawaaqay inuu dhimayo dhoofinta liin-dhanaanta, taasoo ah tillaabo lagu doonayo in lagu qanciyo baahida gudaha Turkiga oo korortay caabuqa corona dartii.

Liin-dhanaanta ayaa waxaa laga sameeyaa dareeraha jeermis-dilaha oo muhim xilligan u ah la dagaallanka Covid-19.

Waxaa sidoo kale liin-dhanaanta ku badan Fitamiin C-ga, kaasoo ay iminka dad badani u isticmaalayaan kordhinta difaaca jirkooda, si ay iskaga caabbiyaan caabuqan caalamiga ah.

Xannibaadda Turkiga ee lagu yareeynayo dhoofinta liin-dhanaanta oo iminka si rasmi ah loo shaaciyey ayaa socon doonaa ilaa dabayaaqada Agoosto, iyadoo cadadka la dhoofinayo laftiisa la marsiin doono diiwaan gelin joogto ah.

Somalia oo ka mid ah dalalka liin-dhanaanta dhoofiya, iyadoo ay weliba liin-dhanaanta Soomaalidu ka mid tahay noocyada ugu tayada badan caalamka, marka dhanka dabaqadda la eego, ayaa qaadi karta tillaabadan oo kale.

Hadalsame Media