Shiinaha oo la saari karo Maxkamadda ICJ & hal khalad oo uu sameeyay (Imisa ayay khasaareen dalalka G7?)

0

(London) 07 Abriil 2020 – Baaritaan ay samaysay hay’adda Henry Jackson Society ayaa lagu sheegay in Shiinuhu uu ka baaqsaday inuu caalamka xilligii ku habboonaa u sheego caabuqa COVID-19 oo bilowday bishii Diseembar, balse uu caalamku ka war helay bishii Jannaayo 2020.

Hay’adda oo falanqaysa siyaasad dibadeedka Britain, ayaa qiyaasaysa in khasaaraha ilaa iminka gaarey dalaka G7 oo qura ay gaarayso £3.2 tarilyan oo gini.

Warbixintan oo shalay la daabacay uuna soo xigtey  Mail on Sunday, ayaa soo jeedinaysa in tillaabo sharci ah laga qaado Shiinah, kuwaas oo ay ka mid tahay in QM lala beegsado iyo Maxkamadda ICJ.

Daraasaddan oo cinwaan looga dhigay ‘Mag-dhowga Coronavirus, ayaa lagu sheegay in uu Shiinuhu aad ugu dadaaley inuu caalamka markii hore ka qariyo jiritaanka caabuqan iyo halka uu ka yimid, iminkana uu isu muujinayo sidii dal aan shuqul ku lahayn halista caalamkii dhulka dhigtay.

Hay’addan ayaa UK ka dalbatay inay ka fikiraan xiriirka iyo ku tiirsanaanta Shiinaha, maadaama aanay Beijing kasoo bixin ”mas’uuliyadda caalamiga ah ee sharciga ah ee ku saabsan inay dalalku xog sax ah ka bixiyaan cudurrada faafa ee dhici kara.”

Ka gaabinta arrintaas ayaa keentay bay leeyihiin inuu cudurku caalamkii oo idil ku faafo, kaasoo keenay cawaaqib aad u daran, iyadoo sheegtay in UK oo qura ay ”khasaartay £350 bilyan oo gini”, iyadoo UK ku boorrisey in marka ay xasaraddani dhamaato ay si buuxda uga baaraan degaan xiriirka Beijing.

Guud ahaan waxaa caalamka caabuqan u nugleeyay dunida maanta oo aad ugu tiirsan dalka Shiinaha marka la eego farsamada, wershadaha iyo adeegyada.

Hadalsame Media