Trump oo soo jeediyey in dawo tijaabo ah lagu daweeyo RW Britain (Xog ku saabsan dawadan oo loogu bogey Covid-19)

0

(Washington, DC) 07 Abriil 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa soo jeediyey in dawo tijaabo ah lagu dabiibo RW Britain ee Boris Johnson oo habeenkii 2-aad oo xiriir ah jiifa qaybta Daryeelka Gaarka ah ee Isbitaalka Saint Thomas’ ee London.

Haddaba, aannu eegno dawada uu sheegayo Donald Trump oo xukuma Maraykanka ah oo dalka haatan kaalinta 1-aad uga jira kiisaska ugu badan ee koroonaha caalamka oo dhan.

Dawada duumada ee Hydroxychloroquine ayaa la isku raacay inay joojiso fayruska, iyadoo u diidaysa inuu ku sii dhex tarmo unugyada dhiigga cas, marka ay khadka ka lumiso molikiyuullada fayruska.

Hydroxychloroquine 

The malaria drug chloroquine is the best coronavirus treatment currently available, according to an international poll of thousands of doctors. Pictured: hydroxychloroquine, a version of it, is prescribed in the US under the brand name Plaquenil

Dawadan mallaariyada ee chloroquine waa midda ugu roon ee haatan lagula tacaalo coronavirus, sida ay sheegeen dhakhaatiir caalami ah oo codad laga qaaday.

Hydroxychloroquine, oo ah midda sawirka ka muuqata waa qayb ka tirsan oo Maraykanka laga qoro iyadoo wadata magac shirkadeedka Plaquenil.

DALAL TIJAABIYEY – Waxaa dawadan 24 bukaan ah ku tijaabisey camaaliqada dawooyinka sameeysa ee Sanofi, taasoo ay dowladda Faransiisku ku tilmaamay ”mid rajo leh.”

Saraakiisha caafimaadka ee Faransiiska ayaa haatan qorsheeynaya inay dawadan dad badan ku tijaabiyaan, waxaana sidoo kale isticmaala hay’adda Adeegyada Caafimaad ee UK ee NHS.

Daraasadda Faransiiska ayaa muujisay in 3 meelood ka mid ah 4 meel oo dawadan lagu tijaabiyey ay cudurka kaga raysteen muddo 6 beri gudohood ah.

Dawadani waxay haatan ka mid tahay ilaa 1,000 dawo oo horay u jirey oo lagu tijaabinayo Jaamacadda  Queens University Belfast.

SAAMAYNTA AY REEBTO – Nabro yar yar oo jirka kasoo yaaca, lalabbo, shuban iyo madax xanuun.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media