Caabuqa Covid-19 ee Talyaaniga oo hoos u dhicii joogtada ahaa sii wada

0

(Roma) 07 Abriil 2020 – Geerida COVID-19 ayaa maanta gaartey 604, taasoo ka yar 636 ay shalay ahayd, yeelkeede, kiisaska cusub ee la helayo ayaa meeshii ugu hooseeysey gaarey tan iyo Maarso 13.

Geerida caabuqa dalka ugu daran ee uu cudurkani laayey oo tii ugu horreeysey la diiwaan geliyey Febraayo 21 ayaa haatan mareeysa 17,127, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Talyaaniga.

Kiisaska cusub ayaa maanta oo Talaado ah waxay yihiin 3,039, waana maalintii 2-aad oo xiriir ah oo ay hoos u dhacayaan, taasoo sare u qaadaysa rajada ah inuu cudurku dib u gurasho bilaabay kaasoo kordhayey tan iyo Maarso 9 oo handaraabka lasoo rogey.

Isniintii shalay ahayd waxay kiisaska cusubi ahaayeen 3,599, halka tan iyo Maarso 17 uu kororka maalinlaha ihi ahaa wax u dhexeeya 4,050-6,557 kiis.

Waxaa sidoo kale maalintii 4-aad oo xiriir ah hoos u dhacaya dadka u baahan Daryeelka Gaarka tusaale maanta waxaa ICU u baahnaa 3,792 qof, halka ay Isniintii tiradaasi ahayd 3,898.

Hadalsame Media