Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay jid isku xiraya Degmada Dayniile & labada Shabeelle + Sawirro

0

(Muqdisho) 06 Abriil 2020 – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mahaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar-Filish ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadada dheer oo muhim ah.

Jidkan ayaa isku xiraya Aargada Degmada Deyniile ee kasoo horjeedda Kuliyada Jaale Siyaad kana leexata Jidka Wershadaha ilaa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhaxe taasoo hor marta xarunta Degmada Deyniile.

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay ka hadlay ayaa yiri. “ka maamul ahaan waxaa inaga go’an horumarinta saasimadda iyo dib-udhiska waddooyinka si magaaladu ay ula tartanto magaalooyinka dhiggeeda ah”.

Waxaa sidoo kale dhagax dhigga goobjoog ka ahaa Guddoonka Dayniile, Jacfar Abuukar oo soo dhoweeyey mashruucan horumarineed.

Dhagaxdhigga waxaa Gudoomiyaha ku wehliyey Qaar ka mid ah ku xigeenaddiisa iyo Gudoomiyaha Degmada Deyniile.

Hadalsame Media