Maxay NISA aragtay oo aynaan ogayn, sida ay arrinta u wajahdey se maku saxan tahay?

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2020 – Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf, mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka, haddana ma jecleysan farriinta NISA ay soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya.

Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka.

Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha.

Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.

Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga geysatay.

Maxkamad la wada aado. Sharcigu uu shaqeeyo.

Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada.

Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada.

Ma jecleysanayo in aan He’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyadaa dooddaas keentay isla goobtaan.

Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay, haddii Hey’adda Sirdoonka ay ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media