”Waa caado Swidhish!” – Saxaafadda Galbeedka oo la yaabban handaraab la’aanta Sweden & dhaliil loo jeediyey

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2020 – Xilli dalalka reer Galbeedka ay si adag ula dagaalamayaan xanuunka Corona, ee farro ba’an ku haya, islamarkaasina la yimaadeen qorsheyaal adag oo lugu xakameeynayo isu socodka dadka iyo wax kasta, ayaa haddan Sweden waxaa ay dooartay wado jilicsan oo dad badani yaab ku noqotay. Weli Sweden waxaa furan iskuuladda hoose dhexe, xarrumaha carruurta lugu hayo, ganacsigii iwm.

Talaabadaana waxaa ay keentay in saxaafadda caalamka siyaabo kala duwan wax uga qorto qorshayaashan u eg “Qorsheyaashii dagaalkii 1aad ee dunida”.

Qaar baaba ku tilmaamay in sheekadu tahay caado iswiidhish. Haddaba suxufiga lugu magacaabo Lionel Laurent, oo ka howl gala shabakadda Bloomberg, ayaa faallo aad u dheer ka qoray qaabka Sweden ay u wajahday la dagaalanka Corona oo ku sheeegay xaalad ah “Sug oo fiiri”.

Wuxuu yiri “xaaladan Sug ee fiiri-da ah waa halis, waxaana muuqata in ay ugu dambeyn badalimi doonaan qorshahan jilicsan, lana soona rogi doono sharciyo adag xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Xukuumaddu waxeey arrimahan sidaa u yeeshay waxaa weeye inaan imaan dhaqaalo xumo dalku wajihan, balse mid baaxad weyn keeni doonta marka dambe.

Wargeyska ka soo baxa dalka Isbeyn ee la yiraahdo El Idependiente, wuxuu isna qoray qoraal dheer oo kaga hadlayo sida Sweden ay uga hortageeyso Corona oo is weydiiyey in iswiidhish-ku waalan yihiin iyo in kale.

Iswiidhish-ku waa dad aaminsan in xkukuumadooda aan loo meerineyn waxa waajibka ku ah in ay qabato, balse waxeey kalsoonku ku qabaan buu leeyahay xukuumadooda iyo qolyaha caafimaadka bulshadda.

Norway-na wargeyska loogu akhriska badan yahay ee VG oo ka mid ah wargeysyadda wax ka qoray Sweden, ayaa ku sheegay in wuxuba yihiin”Caado Iswiidhish” oo loola jeedo in yihiin dad caadooda iyo hab u fikirkoodub lugu wareero.

Wargeyska wuxuu sidoo kale sheegay in dadkii ugu badnaa ee u dhintay xanuunka Corona ay yihiin soomaali, cabsina ay ka qabaan in sidaasi si la mid ah ay ka dhacdo Norway. Tiiyo ajaanibta ugu badani ee xanuunka qaba ay yihiin soomaalida Norway oo tiradoodu lugu sheegay in yihiin 201.

Cumar Samy Gamal, oo la taliye u ah duqa magaaladda Oslo ee xagga shaqada iyo dhaqanka ayaa u sheegay wargeyska in ay wadanaha farta ku hayaan oo Sweden ka dhacday in Oslo ay ka dhacdo.

Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali-kaar

Hadalsame Media