YAA LA HOR DAWAYNAYAA? Dawaynta dadka ma da’da ayaa loo eegayaa? (Arag hab-raaca caafimaad ee ay Sweden ka dejisey Covid-19?

0

(Stockholm) 31 Maarso 2020 – Hay’adda Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha Sweden ayaa keentay hab-raacyo cusub oo ku saabsan muhiimad siinta dadka u baahan daryeelka caafimaad, sida lagu qoray vardfokus.

Sweden ayaa si ka duwan dalalka qaar sida Talyaaniga iyo Spain waxay eegaysaa ama hormarinaysaa waxa loo yaqaanno DA’DA BAYOLOJIGA ee la eegi maayo DA’DA caadiga ah (chronological age).

Haddii aan sii fasirno, haddii uu qof 60-jir ihi jir ahaan ka caafimaad badan yahay qof 30-jir ah oo qaba cudurro halis ah, waxaa muhiimadda 1-aad la siinayaa 60-jirka ay wanaagsan tahay da’diida bayolojiga ihi iyo taa cagsigeeda.

Waxaa ka mid ah waxa laga yeelayo jiheeyaha anshaxa marka ay timaaddo in qof dawada laga jaro si mid kale loo badbaadiyo, haddii ay lacalla timaaddo xasarad caafimaad oo ka dhalata caabuqa Covid-19.

Halkan ka eeg sida ay u kala horreeyaan dadku:

1 – Muhiimadda 1-aad waxaa leh bukaannada aadka u xanuunsan ama u dhaawacan, balse la qiyaasayo inay noolaan karaan in ka badan 12 bilood iyo wixii ka badan, iyadoo la eegayo da’da bayolijiga.

2Muhiimadda 2-aad waxaa la siinayaa bukaannada qaba cudur hore oo xaddidaya habka shaqo ee jirkiisa, balse leh ixtimaal ama fursad nololeed oo gaareysa 6-12 bilood.

3 – Muhiimadda 3-aad waxaa la siinayaa dadka uu ixtimaalkoodu aadka u hooseeyo, kuwaasoo in daryeel deg deg ah la siiyo lagu xirayo go’aanno joogto ah oo laga gaaro iyo tashi lala sameeyo dadka ehelka ah iyo qaraabadiisa dhow.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media