Isbedello CUSUB oo ku dhacay nidaamkii khasnadda shaqa la’aanta A-KASSA (Arag hab-raaca cusub)

0

(Stockholm) 31 Maarso 2020 – Go’aanka dawladdu ku dhawaaqday galabta ayuu ka mid ahaa fududeeynta gelista nidaamka khasnadda shaqa la’aanta ee lagu magacaabo a-kassa.

Is bedelkaasina oo hor seedi doona in dad intii hore ka badan ey xaq u yeeshaan iney helaan gunnada sanduuqa suuqa shaqada ee a-kassa.

Si haddaba lagu helo gunnada a-kassa sida uu iminka yahay waxaa qofka looga baahan yahay inuu soo buuxiyo laba shuruudood.

1. Shuruudda shaqada oo ay tahay inuu muddo lix bilood ah  ugu yaraan shaqeeynayay shaqo buuxda barkeet. Markaasina oo xaq loo yeelanayey gunnada aasaasiga ah ee 365 kr/maalintii.

2. Shuruudda xubinnimada oo ah inuu qofku shaqo hayey ugu yaraan 12 bilood oo xiriir ah. Wuxuu markaa qofku xaq u yeelanayay inuu buuxiyo ceeymiska mushaarka uu lumiyey oo la siineyo 80% mushaarkii uu qaadan jirey illaa iyo saqafka mushaarooyinka ee 25 000 kr. Iyadoona ay gunnada ugu sarreeysa ahayd 910 kr/maalintii.

Is bedelka nidaamka a-kassa ee dawladdu maanta soo ban dhigtay:

Midda koowaad shuruuddii shaqada oo halkii ay bishii ugu yaraan ka ahayd 80 saacadood ayaa hoos loo dhigay oo la gaarsiiyay 60 saacadood/bishii. Waana mid u daneenaysa dadka ka shaqeeynayey shaqooyinka aan ammaanka ahayn. Qofku wuxuu markaa xaq u yeelaneyaa gunnada aasaasiga ee khasnadda shaqa la’aanta a-kassa oo weliba kor loo qaadey oo la gaarsiiyey 510 kr/maalintii, halkii ay horay ka ahayd 365 kr.

Midda labaad shuruuddii xubinnimada ee 12-ka bilood horey u ahayd oo laga dhigey saddex bilood. Wuxuu isbedelkani markaa suurtagelineyaa in xaq loo yeesho ka mid noqoshada xeerkii caymiska mushaarkii lumi lahaa, isla markaana la gaarsiiyey 1 200 kr/maalintii, halkii uu horey uga ahaa 910 kr.

Isla markaana waxaa kor loo qaaday saqafkii ugu sarreeyey ee ahaa 25 000 kr, iyadoona la gaarsiiyey ugu badnaan 33 000 oo koron. Tallaabadan ayaa gaarsiineeysa kor u kac 70% dadka suurtagalka u lahaa, halka ay horey u ahayd 30%.

Xigasho: Radio Sweden

Hadalsame Media