3 dhakhtar oo wada Muslim ah oo UK ku dhintay iyagoo la tacaalaya caabuqa corona

0

(London) 31 Maarso 2020 – Waxaa aad loo hadal hayaa 3 dhakhtar oo muddo dheer ka shaqaynayey dalka UK oo halkaa iminka ugu dhintay la dagaallanka caabuqa coronavirus.

Dr Adil El Tayar, 63 jir, wuxuu ku dhintay 25-kii Maarso isagoo ku sugan Isbitaalka West Middlesex University Hospital oo ku yaalla Isleworth, London.

Waxaa u tacsiyeeyay Danjiraha Suudaan u jooga Britain, Cirfaan Siddiiq, maadaama uu asal ahaan kasoo jeedo dalkaasi.

Dhakhtarka kale waa Dr Habib Zaidi, 76 jir, wuxuu ku dhintay qaybta Daryeelka Gaarka ah (ICU) ee Isbitaalka Southend Hospital ee Essex 27-kii Maarso.

Zaidi, wuxuu dhakhtar ahaan ugu shaqeeynayey Leigh-on-Sea muddo ka badan 45 sano, ayay astaamaha cudurku kasoo muuqdeen isagoo is karaantiilaya, sida ay sheegtay gabadhiisa Sarah Zaidi, oo iyaduna dhakhtar ah.

Dr Amged El-Hawrani, 55 jir, wuxuu ahaa dhakhtar dhegaha, sanka iyo dhuunta ku takhasusay, wuxuuna ka shaqaynayey Queen’s Hospital oo ku yaalla Burton, gobolka Derbyshire.

El-Hawrani wuxuu ku dhintay Leicester Royal Infirmary 29-kii Maarso oo dorraad ahayd, kaddib markii uu muddo yar la xanuunsanaa Covid-19.

Hadalsame Media