DHEGEYSO: DF oo si labac labac ah uga hadashay duullimaadyada iska sii socda ee Ethiopian Airlines (2 Su’aalood oo taagan)

0

(Muqdisho) 31 Maarso 2020 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada DF Somalia, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar, ayaa si labac labac ah uga hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines ugu hoggaansami la’dahay go’aanka ay DF ku hakisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray Somalia.

Md Oomaar ayaa xaqiijiyey in ay diyaaradaasi weli si joogto ah uga degto magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inay siiyaan rukhsad maalinle ah oo si joogto ah loo waydiisto, balse ma sharrixin waxa EA ka faddilay dayuuradaha kale.

Wuxuu taa biddaalkeeda dadka ku af gobaadsaday in aan lagu mashquulin rukhsadda la siiyey diyaaradda, balse ay raacaan tilmaamaha la iskaga jirayo caabuqa coronvirus.

SU’AALO KA DHALANAYA WARKA WASIIRKA

Su’aalaha ka dhalanaya warka Wasiirka ayaa noqonaya; sidee la iskaga ilaalinayaa caabuqa corona haddii ay DF eeganaysa dayuurad caalamkii kasoo qaadaysa dad qaba jirradan ee keenaysa Somalia oo aan lahayn awood ay kula tacaasho?

Tan kale muxuu yahay nacfiga ku jira hakiinta duullimaadyada caalamiga ah haddii ay qaarkood weli dalkii imanayaan iyagoo cudurkii sida, taasoo ah sababta keentay in duullimaadyada la hakiyo.

Dorraad unbay ahayd markii xadka Jabuuti lagu qabtay ilaa 4 nin oo cudurkan qaba oo ay Hargaysa keentay isla dayuuradda EA.

Hadalsame ayaa fahamsan inay Soomaali badani haatan kasoo degto Hargaysa oo ay deeto usoo dhaafaan dhanka gobollada kale ee Somalia, taasoo sii xoogaynaysa faafitaanka caabuqa Covid-19.

Hadalsame Media