Shiinaha oo halkiisii ka bilaabay qalitaankii BAHALLADA si uu ugu dabbaal dego cudurkii uu ka qaaday + Sawirro

0

(Beijing) 29 Maarso 2020 – Eeyo iyo bisado naxsan ayaa ku jira qafis daxalaystey oo halkeer ah. Fiidmeer iyo dib-qalloocyo ay Shiinuhu aad u jecel yihiin ayaa meel kale kasoo jeeda.

Bakaylayaal iyo Boola-boollo la qalay deetana la maqaar saaray ayaa is dhinac yaall sagxad uskag badan oo dhiig galaclaynayo, kaasoo lagu qooshay wasakh ay ka mid tahay saxarada xayawaanka.

Koleey dheextaxanyo, hangaraarac iyo caaro ku tahay lama daynin.

Muuqaalkaa aannu sawirnay waxay ka mid ahaayeen kuwii shalay laga diiwaan geliyey suuqyada Shiinaha oo u dabbaal degaya wax ay ku sheegeen ”guusha” coronavirus.

Shiinaha ayaa dib u furay suuqyadii lagu iibinayey hilibka bahalaha ee dalkaa aadka looga cuno, kuwaasoo oo ah isha uu kasoo burqaday cudurkan halista ah ee Covid-19 oo si KMG ah loo xirey.

Waxyaabaha lala yaabay iminka waxaa ka mid ah in aanay muuqan fayadhowr iyo hab-raacyo caafimaad oo la dabaqay.

Mail on Sunday ayaa werinaya in kumanaan macaamiil ihi ay shalay kusoo dumeen suuqa daboolan ee Guilin, oo ku yaalla koonfur galbeed China.

Hadalsame Media