HANDARAABKA AMISOM: Xerada Xalane oo dhaqdhaqaaqeeda la hakiyey

0

(Muqdisho) 29 Maarso 2020 – Wararka Muqdisho ka imanaya ayaa tibaaxaya in Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa xaddiday dhammaan gelitaanka iyo ka bixitaanka xerada ciidan ee Xalane oo ay iminka deggan yihiin AMISOM iyo Caalamku.

Handaraabkan ay AMISOM soo rogtey ayaa socon doona muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaya saqda dhexe 29-ka Maarso oo maanta ah, waxaana u sabab ah caabuqa coronavirus.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo faafahitaanka cudurka coronavirus ee safmarka ah.

Waxaa kale oo handaraabkan loo dhaliishadey qaab sida la yiri lagu dhowro caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xerada Xalane.

Tillaabadan oo saamayn doonta dhammaan howlihii dhismaha, dhaqdhaqaaqa gawaarida saadka iyo howlaha kale ee ganacsi ee xerada, weliba dukaamada iyo aagga gawaarida lagu dhaqdo, ayaa dib u eegis lagu samayn doonaa haddii loo baahdo.

Hadalsame Media