Dalal uu Turkigu ku jiro oo CILLADO ka sheegay qalabka Covid-19 lagu baaro ee Shiinuhu sameeyo (Yaa ka hubinaya Somalia?)

0

(Ankara) 29 Maarso 2020 – Dowladda Turkiga ayaa iska celisey agab Shiine samee ah oo deg deg loogu baaro caabuqa coronavirus kaddib markii ay soo baxday in aanay natiijadoodu sax ahayn, sida uu qoray Middle East Eye.

“Waxaan dhowr sambal ka helnay shirkad Chinese ah, waxaana noosoo baxday inaan la isku halleyn karin, marka waxaan shirkad kale oo Chinese ka dalbanay kuwa kale,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga.

Sarkaalku ma sheegin tirada agabka la celiyey, waloow uu xaqiijiyey in qalabkan aan loo adeegsanin dadwaynaha.

Warkan ayaa kusoo beegmaya jeer ay Spain Khamiistii kashiftay in ay iska celiyeen ilaa 9,000 oo isla qalabkan Chinese-sameega ah kaddib markii ay hubiyeen in uu sax yahay 30% oo qura.

Warbaahinta dalka Czech ayaa sidoo kale werineysa in ay cilladaysan yihiin ilaa 80% ka mid 150,000 oo ah agabka qaad qaadma ee cudurka lagu baaro ee uu Shiinuhu dalkaa geeyay.

Saraakiisha Spanish-ka ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegay in qalabkan ay celiyeen ay sameeysay isla shirkadda keentay kuwa Turkigu ka hadlayo.

Shiinaha oo uu kasoo bilowday caabuqa corona ayaa caalamka ku fatahaya agabka cudurkaa lagula dagaallamo oo uu qaarkood ugu deeqay dalal sabool ah oo ay Somalia ku jirto, taasoo aan xitaa lahayn karti iyo mug ama xitaa rabitaan ay iskaga hubiso.

Hadalsame Media