Dalal hollinaya inay hor istaagaan inay Somalia door wayn ka ciyaarto ganacsiga caalamka (Waa kuwee?)

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2020 – Imaaraadka ayaa si deg deg ah qaab musuq ah isla markaana aan sharci ahayn ula wareegey dekedaha ku yaalla Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari Somalia ee Berbera iyo Boosaaso.

Imaaraadka oo qaab foowdaawi ah ula wareegey dekedo kale oo gobolka ah, sida mid Yaman ku taalla oo uu wax soo saarkeeda hoos u dhigay 60% iyo midda Jabuuti oo laga eryey, ayaa waxaa lagu eedaynayaa inuu u dagaallamayo hal arrin.

Imaaraadku wuxuu kulaalaa Gacanka Beershiya, waxaana loosii maraa Gacanka Cadmeed iyo Marinka Hormuus oo ah meel luuq ah, geeskana ay ku hayso Iiraan oo aysan isku fiicnayn reer Galbeedka.

Imaaraadka ayaa sidaa darteed og muhiimadda istaraatijiyadeed ee Somalia oo haysata laba badood oo masaafo ahaan 40 jeer ka dheer midda Imaaraadka.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa sheegay in Xeebta Bari ee Somalia ay qaadi karto ilaa 4 dekedood oo qabsan kara wax is dhaafsiga ganacsi ee caalamka, haddii garoomo caalami ah lagu darana wax badan laga faa’iidi karo, taasina ay tahay sababta ay Imaaraadka iyo Sucuudigu.

Hadalsame Media