Maxay tahay sababta ka dambaysa in HALIS wayn loo bandhigo caafimaadka dadka Somaliland? (Arrin aanad ogayn)

0

(Hargaysa) 28 Maarso 2020 – Kolkii hore ummadda badideedu waxay ka xanaaqsanayd Xamar baa diyaaradii Hargeysa imaan jirtay ee Ethiopian Airline laga joojiyay. Dabadeedna laba maalmood oo ay maqnayd ka dib duulimaadyadii dib ayaa ay bilawday.

Waa la soo dhoweeyay arrintaas oo qoladii Xamar waxa loo arkay inay wejigabax ku tahay oo amarkoodii iska hawtal-hamagga ahaa Hargeysa ka shaqayn waayay. Laakiin waxa is weydiin mudan sababta ilaa haddeed diyaaradaasi iyada oo xaaladan lagu jiro Hargeysa u gaalaa baxayso. Maxaa looga joojin waayay, ilayn cudurkani maaha jirro dab joog ah ee waa xanuun dibadda ka imanaayee.

Xaqiiqadu waxay tahay In aan cid shacabka u tudhaysaa meesha jooggin. Maalintii hadday laba jeer timaaddo oo markiiba 50 qof siddo, waxa maalin kasta dalka soo gala 100 qof oo ugu yaraan hal qofi qabi karo xanuunkaas.

Hadana dawladdu waxay tidhi rakaab kasta waa la karantiimaynayaa, oo meel baa la wada dejinayaa. Miyaan halkii qof ee qabay iyada oo aan magaaladaba lagu soo dayn dadkii ay wada socdeen qaadsiin karin. Halkaas caqli badani kuma jiro.

Diyaaradan waxa wakiil uga ah Hargeysa, wiil Muuse Biixi walaashii dhashay oo uu abti u yahay, sabab aan danta dhaqaale ee wiilkaas ahayn laynoogaba joojin waayin ee diida ama yeela.

Madaxweyne ma Farmaajo ayaa dadkaaga kaaga lexejeclo badan, oo isagu joojiyay ama isku dayay inu joojiyo diyaaradaas, dalkiisana gebi ahaanba ka joojiyay? Madaxweyne miyaanay khatarta diyaaradaasi horseedi kartaa kuu dhacsanayn? Madaxweyne ma wiilkad abtiga u tahay dhaqaalaha ka soo gelaaya diyaaradaas baa naga miisan batay? Intaas iyo In ka badan oo weydiimo ah, oo jawaabo u baahan baa ooggan.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media