Yuhuudda oo noqotay qoowmiyadda ugu dhimasho badan caabuqa corona dalka….

0

(London) 28 Maarso 2020 – Hoggaamiyeyaasha Yuhuudda Britain ayaa ”dadkooda u digey” kaddib markii ay soo baxday in qof ka mid ah 20-kii qof ee halkaa ugu dhimatay coronavirus uu Yuhuud yahay.

Jaaliyadda Yuhuudda dalkaas ayaa dadka u sheegtay inay ”wax kasta sameeyaan si ay u raacaan tilmaamaha dowladda Britain oo ay guryaha joogaan, haddii aanay jirin sabab daruuri ah oo kasoo saaraysa.”

Madaxwaynaha Jaaliyadda, Marie van der Zyl ayaa MailOnline u sheegtay in dhibka qayb ka tirsani ay tahay in Yuhuuddu ay tahay ”bulsho isku xiran oo is booqata isla markaana fiidka Jimcaha iskugu timaada casho laga soo wada qayb galo.”

Habeenka Jimcuhu wuxuu ka horreeyaa Sabtiga oo muhiimad gaar ah oo diimeed ugu fadhiya Yuhuudda (Sabath), wuxuuna uga dhigan yahay sida uu fiidka Jimcuhu soo gelayo u yahay Muslimiinta.

Kulankaas ayaa keena inay dad badani isu yimaadaan oo hab isa siiyaan ama is dhunkadaan, waxaana la sheegay in cudurkani uu sidaa kusii faafayo.

Marka la eego tirada yar ee ay Yuhuuddu ka tahay Britain, waxay tani ka dhigan tahay inay tahay qoowmiyadda ugu dhimasho badan.

Hadalsame Media