Soomaalidu ma waxay DHIBBANE u noqotay weerar uu Shiinuhu ku soo qaaday dalka Sweden? (Sirdoonka Sweden oo hadlay)

0

(Stockholm) 27 Maarso 2020 – Sweden ayaa Ruushka u aragta halista sirdoon ee ugu wayn ee ay wajahayaan, iyadoo ay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Säpo, sheegtay in 3-dii diblomaasi oo Ruush ahiba uu midkood jaajuus dharcad ah yahay.

Mar baa xitaa biyaha Sweden laga raadinayey gujis la sheegay inuu Ruushku leeyahay.

Gugii tegey waxaa Sweden laga cayriyey ”diblomaasi” Ruushan ah oo is qarinayey, markii ay sirtiisu ku fashilantay makhaayad ku taalla Stockholm, isagoo ahaa sirdoon dhar cad ah.

Iminka waxaa soo kordhay halis cusub, waxayna Säpo farta ku godaysaa dalka Shiinaha oo haatan Sweden ku haya halis la mid ah midda Ruushka, sida uu qabo Kennet Alexandersson, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Säpo.

KA FAA’IIDAYSIGA CORONA

Shiinaha ayaa markii hore diiradda saari jirey xatooyada farsamooyinka sharikaadka Sweden, balse waxay iminka u weecdeen dhanka saamaynta siyaasadda kaddib kiiskii qoraaga Gui Minhai, sida ay qabto Säpo.

Söpo ayaa ka walaacsan in Shiinaha oo ka faa’iidaysanaya xorriyadda hadalka Sweden uu laba jiho kasoo weerartamo, kuwaas oo ay midi tahay inay ka faa’iidaystaan caabuqa corona, iyagoo dhiirri gelinaya ama sii faafinaya sheekooyinka ku saabsan nacaybka soo galootiga iyo farriimaha kooxaha midigta ah ee cunsuriga ah.

Midda kale waa inay ka faa’iidaystaan ama u dhacaan kombiyuutarrada shirkadaha ama hay’aadka dowladeed ee dadkooda ku amraya inay guryaha ka shaqeeyaan, markaas oo loo nugul yahay weerar danabeed ka yimaada burcadda internet-ka ee sirdoonka Shiinaha.

Beri dhowayd markii la sheegay inay Soomaali badani u dhinteen caabuqa corona ayaa waxaa mar qura baraha bulshada qabsaday farriimo Soomaali iyo Islaam nacayb ah, taasoo ka mid ah waxyaabaha Shiinaha lagu tuhmayo, waayo hal farriin oo Facebook oo la sponsor gareeyay ayaa shaqada qabanaysa.

WAA MAXAY UJEEDKU?

Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa isku deyaya inay qallibaan hab-nololeedka dalalka Galbeedka ee ay xafiiltamaan, iyagoo dhalinaya xasillooni darro bulsho oo kaddibna keenaysa khilaafaad iyo gacan ka hadal saameeya habsami u socodka nolosha caadiga ah taas oo dhaawacaysa dhawaalayoowga dalalkaasi.

Hadalsame Media