Qadar oo Muqdisho ka dhisanaysa Safaaradda 2-aad ee ugu ballaaran + Sawirro

0

(Dooxa) 26 Maarso 2020 – Qadar ayaa Safaarad cusub ka dhisanaysa magaalada Muqdisho, taasoo ishaareysa soo kabashada caasimadda Somalia oo kasoo doogtey sanado badan oo ay ehel u ahayd dagaallo micne darro ah.

Safaaraddan ayaa lagu wadaa inay noqoto midda 2-aad ee ugu wayn Muqdisho kaddib Safaaradda Turkiga oo ah dal saaxiib dhow la ah Somalia.

Agaasimaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia, Cabdirahman Axmed ayaa warkan ku faafiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter.

Sanaddii 2019-kii, Qatar Fund waxay Muqdisho ka bilowday mashaariic horumarineed oo fara badan.

Qadar ayaa sidoo kale sanadkii tegey 68 gaari oo gaashaaman ugu deeqday Ciidamada Xoogga iyadoo sidoo kale daabushay dad ay Al Shabaab ku xasuuqeen qaraxyo ay Muqdisho ka gaysteen.

Qadar ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay Deked casri ah ka dhisto magaalada Hobyo, taasoo muhim u noqon doonta gobolka iyo dalkaba.

Hadalsame Media