Arag sida ay dalal Carbeed u dhabar jebiyeen qaddiyadda Soomaaliwayn

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2020 – Dowlado badan oo Jaamacadda Carabta ka tirsan ayaa Ethiopia la saftay dagaalkii aan la galnay 1977-kii.

1964 Masar waxay shirkii Carabta ka dhex sheegtay in dhulka Soomaalida laga haysto isaga waantowdo, loona daayo xuduudaha Afrika sidii Gumeystuhu uga tagay.

Dedaalkii Raysalwasaare Ahun Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu ku doonayay in NFD si nabad ah lagu soo celiyo, waxaa laf dhuungashay ku noqotay Masar, ilaa uu ugu dambeyn fashilmo.

Sannado dhawayd waxaa jiray qoraal uu qoray Weriye reer Masar, maqaalkaas oo Hadda laga tirtiray meel kasta, wuxuu weriyuhu kula taliyay dowladda Masar in ay maalgeliso Ethiopia si ay u xidhato biyaha Webiga Shabeelle, oo ay uga waantowdo Webiga Niil.

”10Milyan oo Soomaali ah harraad ha udhintaan, intii 100Milyan oo Masaari ah u dhiman lahaayeen” ayaa qoraalka lagu yidhi.

Masar waa dowladdii qudha ee ka baxday heshiiskii Jaamacadda Carabta ee ahaa ”In aan lala shirin, la aqoonsan Yuhuudda”, waxay ahayd dowladdii ugu horreysay ee intaa liddigeeda samaysay, waana sababta looga saaray Jaamacadda Carabta xarunteediina looga raray, ugu dambeyna mardambe looga soo celiyay muddo dheer kadib.

FG: Marka 17 kamida dowladaha Carbeed xidhiidhka u jareen, Soomaaliya waxay kamid ahayd dowlado 5 ah oo aan xidhiidhka Masar u jarin.

Masar waxay ka qeyb qaadatay duullaankii Mareykanku ku qaaday Ciraaq oo ah xubin kamid ah Jaamacadda Carabta.

Xukuumadda hadda jirta ee Masaariduna waaba mid Kelitelisnimo oo ku tashatay in ay malaayiin Reer Falastiin ah ka xidhato xuduudaha ”Meedey Jaamacaddii iyo Carabnimadii”.

Intaa iyo in ka badan oo hagardaamo iyo hoosaasin ah ayay Masar Soomaaliya Iyo Jaamacadda Carabtaba u geysatay.

Ethiopia iyada dad nool nool iyo dhul ayaa inooga maqan, sida ragga ayaan isku dilnay, waan la dagaallanay annagoo og waxa aannu kula dagaallamayno, iyaguna waa ay inala dagaallameen iyagoo og waxa ay nagula dagaalamayaan, laakiin Masar waxay nagula dagaallantay ee ay Ethiopia nooga raacday, ee ay dhulka nooga maqan u hor istaagtay, ee riyadayadii umadnimo u hungaysay, munaafaqnimo iyo daneysi kama badna.

Suudaanta jaarka la ah ayaa si mutawacnimo ah Ethiopian-ka ka caawinaya dhismaha iyo dhameystirka biyo-xidheenka, sabab? Waxbaa jira.

Hadda anigu ma taageersani mana xalaalaynayo in Ethiopian-ku biyaha Niil leexsadaan iyo in shacabka Masaaridu harraad u go’aan, waxaanse leeyahay nin dantiisa wata, dantayda uma dayici karo si uu tiisa qudha u fusho, Ururo danaha inta awoodda leh fuliya, oo aan la isku halleyn karin, taariikhduna i barayso in ay iga hiillin karaan berritoolena iskuma biimeyn karo.

Sidii ay nooga safteenna ugama safane, halkaygaan iska taaganahay uun baan idhi, anigaaba iska tukubaya oo iska liita.

Waxaa Qoray: Abwaan Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media