Dhakhaatiir Soomaali ah oo gurmad ula diyaar ah Talyaaniga (Tirada & magacyada)

0

(Muqdisho) 25 Maarso 2020 – Dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo xirfadleyaal caafimaad oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaamacadda Umadda ee Muqdisho ayaa sheegay inay “diyaar u yihiin” inay si mutadawacnimo ah ugu gurmadaan dalka Talyaaniga.

“14 qof oo naga tirsani waxay abaal u hayaan macallimiintii Talyaaniga ahaa ee caafimaadka soo baray. Waxaana ka naxsan nahay xogta caabuqa Covid-19 ee Talyaaniga,” ayuu u dhignaa qoraal kasoo baxay dhakhaatiirta Soomaalida, sida lagu qoray Dire.

“Gaar ahaan xaaladdan adag ee iminka taagan waa in aannu hiillo daacad ah u muujinnaa Jamciyadda dhakhaatiirta Talyaaniga iyo xirfadleeyda caafimaadka oo aannu ugu tabarrucayno adeegeenna” ayay daba dhigeen.

WAA KUWAN MAGACYADA 14-KA QOF

Waxay kala yihiin Omar Sheikh Addow, oo ah horseedka Jaamacadda iyo dhakhaatiirta Jeylani Mohamoud, Yasin Nur, Abdisamad Abikar, Abdirahman Fiqi, Abdullahi Mohamud, Abukar Mohamed, Maria Mohamed Bare, Hameeda Shakiib, Abdullahi Ahmed Hersi, Abdirahman Yus Abdullahi Mohamed Nur, Said Muse Aden iyo Bashir Sheikh Omar.

Talyaaniga oo ka mid ah dalalka aadka ugu horreeya xirfadda caafimaadka, ayaa ahaan jirey dalka 1-aad ee tababara dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka Soomaalida, waxaana haatan la degey caabuqa corona oo ilaa haatan ka diley 6,820 oo qof.

Hadalsame Media