”Uhuru hal arrin buu Soomaalida uga cabsanayaa!” – Siyaasi xog-ogaal ah oo hadlay!

0

(Nairobi) 22 Maarso 2020 – Waxaa dalka Kenya oo ka kooban qoowmiyaad is qoonsanaya, ka socota siyaasado is diiddan oo ku aaddan xafiiltan xilalka sare.

Hal qoowmiyad oo dayacan lagu naanayso ayaa ka mid ah kuwa isha gaarka ah loo leeyahay balse iyadu iska lunsan, waana tan Soomaalida oo xitaa tirakoobkii lagu hagraday, si doorkooda loo laciifiyo.

Siyaasiga Faarax Macallin oo inta badan ah nin qoowmi ah oo Soomaalida u hadla ayaa soo qoray:

”Aan xog idin siiyee Soomaalidu waxay Kenya ka tahay 7%. Corona waxaa ku xiga nidaamka qarsoodiga ah ee Uhuru oo qoonsanaya in Ruto uu isaga bedelo iyo inay Soomaalidu la wareegto dhaqaalaha Kenya.” ayuu yiri.

”Qof kasta waa og yahay awoodda ballaaran ee Soomaalida, marka iyaga laga reebo. Haddii si saaxi ah Soomaalida loo tira koobo waxay Itoobiya ka yihiin 20%.” ayuu raaciyey.

Qorshaha Soomaalida ee labadan dal ayaa waxaa mar walba dila qorshe xumo siyaaseed salka ku haysa qabyaalad iyo hoggaan xumo.

Hadalsame Media