RW Sweden oo caawa dadwaynaha la hadlaya & dalka oo la handaraabi karo (Aminta & TV-ga laga daawanayo)

0

(Stockholm) 22 Maarso 2020 – Caawa waxaa dadwaynaha Sweden la hadlaya RW Stefan Löfven oo khudbayn nooda muddo lagu qiyaasayo ilaa 5 daqiiqo, si uu dadka ugala hadlo xaaladda caabuqa coronavirus oo dunida oo idil xasarad ka ridey iyo waxa ay Sweden ka yeelayso.

Waxaa khudbadda toos looga sii dayn doonaa hilinka dadwaynaha ee SVT, saacadda Yurubt woqooyi marka ay tahay 21.15, iyadoo lagu bedeli doono barnaamijka ”Agenda”, oo bilaabmi doona 5 daqiiqo kaddib xilligii caadiga ahaa.

Xafiiska RW Lövfen ayaan wax faahfaahin ah oo dheeraad ah bixinin, balse waxay khudbadan heerka qaran salka ku haysaa in ”Sweden ay imtixaan mareeyso iyo in ay xaaladdu tahay mid aan caadi ahayn”, ayay ku gaabsatay Maria Soläng oo warfaafinta ugu qaybsan xafiiska RW-ha.

Waxay u badan tahay inuu ka hadlo wixii tilmaamo cusub ah oo ay Sweden qaadayso si loo xakameeyo xasaradda cudurka, waloow nisbi ahaan aanu cudurku aad faraha uga bixin weli, marka la eego Sweden oo ay kiisasku marayaan 1,770, halka ay u dhinteen 21 qof guud ahaan. Lama oga in dalka la handaraabayo iyo in kale.

Caadiyan RW Sweden inta badan ma bixiyo khudbooyin noocan ah oo dalka lagula hadlo, iyadoo tii ugu dambeysey ay ahayd 2018-kii, taasoo inta badan iska ahayd khudbo ku foognayd doorashada oo xilligaa soo socotey.

Hadalsame Media