Kenya oo ”taageertay” dalka Masar kana ”hiillisay” Itoobiya (Booqashada Khayrre & moowqifka Somalia?)

0
NAIROBI, KENYA - FEBRUARY 18: Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi (L) and Kenyan President Uhuru Kenyatta (R) hold a joint press conference after their meeting at Government Palace in Nairobi, Kenya on February 18, 2017. (Photo by Andrew Wasike/Anadolu Agency/Getty Images)

(Qaahira) 18 Maarso 2020 – Kenya ayaa la safatay Masar oo ay mowqifkeeda ku tilmaantay “mid wanaagsan” jeer lagu muransan yahay Biyo-xireenka Wayn ee GERD, sida uu MW Uhuru Kenyatta uu shalay telefoonka kula hadlay dhiggiisa Cabdel-Fattah Al-Sisi.

Afhayeenka Al-Sisi, Bassam Rady ayaa xaqiijiyey inuu Madaxwaynaha uu soo wacay dhiggiisa Kenya oo ay is dhaafsadeen xogihii ugu dambeeyey ee ka cusub Biyo-xireenka GERD, kaddib markii uu burburay wada hadal ay Washington ugu kala dab qaadaysey dalalka Masar, Ethiopia iyo Sudan bishii hore.

Kenyatta ayaa moowqifka Masar ku tilmaamay mid ku imanaya “rabitaan siyaasadeed daacad ah,” sida lagu sheegay warka Masar kasoo baxay.

Addis Ababa ayaan ka qayb gelin wareeggii ugu dambeeyey ee wada hadallada ka dhacay Maraykanka ee bishii Febraayo, iyadoo sheegtay inay u baahan tahay la tashiyo badan oo ay iyadu soo samayso.

Masar unbaa goob joog ka ahayd, iyadoo ogolaatay inay saxiixdo heshiiska qabyada ah, halka Itoobiya iyo Suudaan ay labaduba diideen inay saxiixaan.

Todobaadyadii tegey Addis Ababa ayaa farriimo u kala direysey dalal ay ka mid yihiin Khaliijka iyo Midowga Yurub, sida Saudi Arabia, UAE, France IWM, si ay taageero caalami ah u hesho, halka uu Wasiir Dibadeedka Masar, Sameh Shoukry, uu bilaabay booqasho uu ku marayo dalal African ah si ay u taageen.

Wuxuu Shoukry booqday Burundi iyo South Africa isagoo maraya Tanzania, DR Congo, South Sudan, Niger iyo Rwanda.

RW Somalia, Xasan C. Khayrre, ayaa maanta u amba baxay dalka Itoobiya, lama se oga in booqashadiisu arrintan la xiriirto iyo in kale, balse warar diblomaasiyadeed ayaa sidaa sheegaya, iyadoo ay Somalia waajib ku tahay inay bannaanka ka istaagto doodda labadan dal oo ay horay ugu soo jabtay.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa Hadalsame u sheegay in DF Somalia oo xilligan xiriir wanaagsan labada dhinacba la lihi ay doonayso inaysan midkoodna la safan, balse ay door dhexdhexaadineed ka qaadato umuurtan.

Hadalsame Media