DAAWO: Australia oo ceebtii ugu waynayd dhex taagan (Dembiyo dagaal oo loo haysto & dalka ay…)

0

(Sydney) 18 Maarso 2020 – Muuqaal iminka soo baxay oo ay qabatay kaamirada ku xiran koofida ciidamada Australian ee ku sugan Afghanistan ayaa keeni karta dembiyo dagaal, sida ay heshay Four Corners oo ah hay’ad warfaafineed oo dalkaa ka tirsan oo baarista saxaafadeed samaysa.

Muuqaalkan ayaa waxaa ka muuqanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee cirka dalkaasi (Special Air Service (SAS) kuwaasoo uu askari ka mid ihi uu 3 xabadood oo af saar ah oo uu kala helay madaxa iyo xabadka ku dhufanayo muwaadin Afghani ah oo isagoo aan hubaysnayn beertiisa qamadigana dhex jooga misna dhulka fadhiya.

Askariga diley ayaa 3 daqiiqo oo qura ag taagnaa kaddib markii uu ka celiyey eey askarta la socdey oo ”Quake” la yiraahdo.

Ciidamada Xoogga Australia (ADF) oo kiiskan horay u baaray ayaa sheegay inuusan askarigu dembi lahayn oo uu ”is difaacayey.”

Dilkan ayaa ka mid ah kiisas kale oo ay bannaanka soo dhigeen Four Corners ayaa noqonaya dembiyo dagaal oo toos ah.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media