DEG DEG: ”Waa in si dhaqse ah loo joojiyaa Jaadka ka imanaya dalalka deriska ah!” – Baarlamanka oo war soo saaray

0

(Muqdisho) 16 Maarso 2020 – Guddiga Arrimaha Bulshada ugu qaybsan Baarlamanka Dhexe ee Somalia ayaa kulan ay yeesheen kasoo saaray soo jeedin ku aaddan in la joojiyo Qaadka kasoo gala dalalka deriska ah.

Guddigan Baarlamaaniga ah ayaa sheegay in cudurka corona virus dartii ay tahay in si dhaqse ah loo hakiyo qaadka ka imanaya dalalka Kenya iyo Itoobiya oo cudurkan kiisaskiisii koowaad laga sheegay.

Jaadka oo ay soo guraan dad iska dan yar ah isla markaana aan lahayn hab-raac caafimaad oo ay ku shaqeeyaan ayaa gacmo badan isu mara, iyadoo ay dad badani ku hindhisaan, ku qufacaan ama gacmo wasakh ah ku qabtaan, taasoo ka dhigan in xitaa haddii aanu fayrus wadin uu yahay hooygii jeermiska.

Tan iyo markii kiisaska laga soo sheegay dalalka deriska ah, waxay dadka Soomaaliyeed soo jeedinayeen in la hakiyo qaadka.

Lama oga inay Xukuumadda Federaalku ay raaci doonto soo jeedintan iyo in kale, balse waa go’aan aad u anfici lahaa Somalia.

Hadalsame Media