DEG DEG: Kiiskii ugu horreeyey caabuqa corona oo Somalia laga helay

0

Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia ayaa haatan ku dhawaaqday inay heshay kiiskii koowaad oo ah caabuqa corona ee lagu arko gudaha Somalia.

Wasiiradda Caafimaadka Somalia, Dr Foowsiya Abiikar, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay sidatan:

”Kaddib karantiil iyo baaritaan aan ku samaynnay muwadaniintii afarta ahayd ee ka yimid dalka china usbuucii hore waxa aan xaqiijinayaa in mid ka mid ah muwaadiniintaas laga helay cudurka caabuqa faafa.”

Wasiiradda oo sii hadlaysa ayaa waxay raacisay: ”Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysaa xakamaynta cudurka.”

Somalia ayaa ah dal aan lahayn kaabayaal saaxi ah oo si wax ku ool u shaqaynaya, iyadoo aanay jirin siyaasad isku xiran oo hal go’aan ku shaqaysa, taasoo sii ragaadinaysa in la hagaajiyo kaabayaashaas.

Dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya ayaa dhowaan iyagana laga sheegay cudurka, iyadoo ay DF Somalia ka gaabisay soo jeedinno ahaa in la xirro duullimaadyada ka imanaya.

Hadalsame Media