ARRIN NAXDIN LEH: Talyaaniga oo bukaanada qaar la go’aamiyo in geerida lagu daawado oo aan laga dawaynin caabuqa corona!!

0

(Torino) 16 Maarso 2020 – Bukaanadda uu soo ritey cudurka coronavirus ee ay da’doodu ka sarreeyso 80-jirka ayay Talyaanigu bilaabeen inay gargaarka caafimaad u diidaan, sida ku cad qorshe deg deg ah oo laga dhaqan geliyey magaalada Torino.

Waxaa qorshahan oo ay dejiyeen saraakiisha dhowrista madaniga ah ka mid ah in la hirgelin doono hab’raac kala horreeysiin ah, haddii ay dhacdo inay bataan bukaannada u baahan gargaarka deg degga ah.

Dokumentiga oo ay heshay majaladda Daily Telegraph, ayaa waxaa ku dhigan hindise ah in la dawayn doono ‘wixii ka yar da’da 80-ka’.

Dhakhaatiirta ayaa la sheegay inay durba ku dhaqmayaan qorshahan iyagoo go’aan ka gaaraya qofkii la dawaynayo iyo kii geerida lagu daawanayo, iyadoo aan lala tacaalin.

Hal dhakhtar ayaa sheegay in calafka bukaanka ay ”go’aaminayso da’da iyo xaaladda caafimaad ee qofka”, isagoo sheegay in la raacayo xeerarka xilliyada dagaalka.

RW Talyaaniga ee Giuseppe Conte ayaa maanta ka digey inuu dalkiisu gelayo ‘todobaadkii ugu halis badnaa’ isagoo ishaaray in aan ‘weli la gaarin halkii ugu sarreeysey’.

Talyaaniga ayaa laga diiwaan geliyey 27,980, 3,233 waa maanta oo qura, geerida maanta oo qur ihina waa 349 qof, iyadoo uu Talyaanigu haatan yahay dalka ugu daran caalamka oo idil.

 

Hadalsame Media