RASMI: Tallaalkii ugu horreeyey ee caabuqa corona oo la tijaabiyey + Sawirro

0

(Seatle, WA) 16 Maarso 2020 – Cilmi baarayaal Maraykan ah ayaa tijaabiyey tallaalkii ugu horreeyey oo lagu dabiibayo caabuqa coronavirus maanta oo Isniin ah, jeer ay dunidu u caalwaysan tahay cudurkan saf marka ah.

Culumada caafimaadka ee Mac’hadka Daraasaadka Kaiser Permanente Washington Research Institute ee Seattle ayaa bilaabay tijaabada wejiga 1-aad ee tallaalka la wada sugayey ee cudurka COVID-19.

Tallaalkan ayaa la diyaariyey intii uu cudurkani caalamka rifayey, kaasoo 3 bilood kahor lagu arkay Shiinaha, balse kaddib ku dhowaad dal kasta salaamey.

‘Qof kasta waa inuu sameeya wax kasta oo uu awoodo xaaladdan deg degga ah,’ ayuu yiri madaxa daraasadda Kaiser Permanente, Dr. Lisa Jackson oo hadlayey xilliga tijaabada.

‘Quus baan taagnayn, tani waa fursad aan wax uun ku samayn karo,’ ayay tiri Jennifer Haller, 43-jir, ku nool Seattle, oo hadlaysey xilli ay tallaalka sugaysey.

Haller waa hooyo leh laba carruur ah, waxayna dareensan yihiin ”inay wax wanaagsan tahay” inay wax ugu qaaraanto daraasaddan muhim ah.

3 qofood oo kale ayaa iyaguna saf ku jira oo tallaalkan lagu tijaabinayaa, kahor inta aan lagu tallaalin ilaa 45 mutadawac oo tijaabada tallaalkan isu qoray, kuwaasoo labadii biloodba 2 kuuro la siinayo.

Yeelkeede, tallaalkan ayaan diyaar noqon doonin iminka, isagoo qaadan doona ugu yaraan sanad.

Hadalsame Media