Kooxda Daacish oo go’aan la yaab leh kasoo saartay caabuqa corona

0

(Ciraaq) 15 Maarso 2020 – Kaddib sanado badan oo ay xubnohooda ku boorrinayeen inay weeraraan magaalooyinka waawayn ee Yurub, kooxda Daacish ayaa iminka u sheegaysa inay ka fogaadaan cudurka coronavirus dartii.

Yeelkeede, waxay soo jeediyeen in haddii ay xubnohoodu jirran yihiin ay halkoodaas Yurub joogaan  — taasoo loo fahmey inay ula jeedaan inay dadka kale ku daartaan, sida ku dhigan wareegto ay soo saareen oo lagu qoray wargayskooda al-Naba, oo uu soo xigtey Sunday Times of London.

Warqadda ayaa waxaa ku dhignaa xadiis nabawi ah oo leh “dadka caafimaadka qabaa waa inaysan gelin dhul uu ka jiro cudur faafa, kuwa bukaana waa inaysan ka bixin.”

Waxay iyagoo sii hadlaya warqadda ku sheegeen inay waxani yihiin “daacuun ama belo” uu Ilaahay “ku ciqaabayo ciddii uu dono.”

Ciraaq oo ah meesha ay kooxdan sii liicaysaa kusii dambayso ayaa waxaa laga soo sheegayaa 110 kiis oo coronavirus ah oo ay 10 ka mid ihi halis yihiin, sida ay qaybto Jaamacadda Johns Hopkins University, oo cudurka dabagal ku haysa.

Hadalsame Media