Maciishadaha asaasiga ah oo ka go’ay qaar ka mid ah dukaamada waawayn ee Gothenburg + Sawirro (Farriin muhim ah)

0

(Gothenburg) 14 Maarso 2020 – Waxaa dunida fara ba’an ku haya durayga coronavirus, kaasoo waqti xaadirkan maraya 155,812 oo kiis, isagoo diley 5,814 oo qof, isla markaana ay kasoo kabteen 74,285 oo qof.

Haddaba, cudurkan oo ay dalal badani xannibeen wax kasta, ayay dadku cabsi bilaabeen, waxaana lagu qamaamay dukaamadii, anigoo la yaabay mar aan tegey dukaanka ugu wayn guud ahaanba degmada Angered iyo guud ahaanba dhanka bari ee magaalada Gothenburg.

Waxaa gebi ahaanba haawanaya qaybaha cuntooyinka duruuriga ah sida Burka, Sonkorta, Baastada iyo suugada diyaarsan ee Baastada.

Waxaa sidoo kale maran qaybaha mushaarida, waxyaabaha la isku nadiifiyo ee dawaysan, baradhada diyaarsan (Chips), xaashiyaha musqulaha, dareeraha weelasha lagu dhaqdo iyo lambarrada waawayn ee xafaayadaha.

Shaqaalaha dukaanka oo aan waydiiney goorta ay saanadaha xigaa iman doonaan, qaar baa ku gaabsaday ”ma ogi”, halka ay qaar kale woxoogaa ka niyad dhis fiicnaayeen oo ay Hadalsame Media u sheegeen inay berri subax keenayaan.

Si kastaba, guud ahaan waxaa wanaagsan inay dadku welwelka badan joojiyaan, waayo xitaa haddii dadka lagu amro inay guryaha joogaan mar kasta dukaamadu waa shaqaynayaan oo dhankaa dhib kama jiro waqti xaadirkan, marka loo baahna cabsi fara badan.

 

Hadalsame Media