DHEGEYSO: Sida Soomaalida loogu khiyaamo guryaha ay Turkiga ka iibsadaan (Arrin ku dhacday haweenay Soomaali ah)

0

(Ankara) 14 Maarso 2020 – Warqaadka Hadalsame Media ayaa booqasho uu ku tegey dalka Turkiga wuxuu u kuur galay waxyaabo badan oo la xiriira nolosha Soomaalida Turkiga guud ahaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, hantida ma guurtada ah, dokumentiyada, iqaamadaha iwm.

Waxaan haddaba waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelannay Abshir Aadan Maxamed oo ka mid ah agaasimayaasha shirkadda Çelik Sigorta oo qabata adeegyo badan sida caymiska, soo saarista dokumentiyada, dirista badeecooyinka iwm, fadhigiisuna yahay caasimadda Ankara.

Haddaba, waraysiga aannu la yeelannay Abshir oo aannu qaybo kala duwan u kala abla-ablayney ayaannu qaybtan ku eegaynaa arrin ku saabsan sida ay Soomaalidu ugu war la’dahay guryaha laga iibsanayo Tukriga, halkaasoo ay tagaan Soomaali lacag haysata balse aan la soconin sharciyada dalka, sicirka iwm.

Dadkaas ayaa waxaa sicir la barariyey wax uga iibisa Soomaali kale oo dallaal ka raadinaysa qofka lacagta haysta, isla markaana heshiis la ah qofka milkiilaha ah, waxayna taasi keentaa inuu qofku wax ku iibsado sicir aanu hadhoow ku heli doonin hantida ma guurtada ah ee uu gatay.

Halkan hoose ka dhegeyso waxa qabsaday haweenay degaan ahaan looga iibiyey qaybta alaabaha lagu xareeyo (basement), iyadoo weliba laga qaaday kharash aad u fara badan.

Waxaa waraysiga qaadaya Maxamed Xaaji, tifaftiraha Hadalsame Media.

Halkan dhag sii Youtube

 

La soco qayb kale….

Hadalsame Media