”Ka adkaannay cudurkii!” – Magaaladii uu ka bilowday caabuqa corona oo guul u dabbaal degtey!

0

(Wuhan, Hubei) 14 Maarso 2020 – Shaqooyinkii muhimka ahaa ee Wuhan, oo ah magaalada uu ka bilowday cudurka saf marka ah ee coronavirus ayaa dib loogu soo noqday, kaddib booqashadii uu magaaladaa ku tegey MW Xi Jinping tan iyo bilowgii dillaaca cudurkan.

Magaaladan oo ay ku nool yihiin 11 milyan oo qof ayaa xirnayd tan iyo bishii Jannaayo, balse 50 maalmood kaddib waxay u u dabbaal degeen inay cudurka ka adkaanayaan, kaasoo Shiinaha ka haleelay 80,778 isla markaana diley 3,158.

Qaadidda xannibaadda Wuhan ayaa imanaysa xilli ay markii ugu horreeysey dunida kale ka kiisas badan tahay Shiinaha, iyadoo ay dalal badani haatan kala xiran yihiin oo dadka loo sheegay inay kala fogaadaan (“social distancing”).

Maamulka Gobolka Hubei ayaa guud ahaan fasaxay inay shaqa tagaan shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka dadwaynaha, kuwa ka shaqeeya dhanka saanadaha caafimaadka iyo kuwa soo saara waxyaabaha daruuriga ah.

Guud ahaan Shiinaha ayaa hoos loo dhigay heerka jawaabaha deg degga ah ee cuduran iyadoo la yara fududeeyay xannibaadihii safarrada maxalliga ah.

Yeelkeede, dadka qaar ayaa Shiinaha ku dhaliilay inay dabaal deggan ku deg degeen si ay u qurxiyeen sumcadooda caalamiga ah, balse ay weli harsan tahay xaaladda kala guurka ah oo aan noqon doonin mid sahlan.

Hadalsame Media