DEG DEG: Madaafiic mar kale lagu weerararay xero ay deggan yihiin Ciidamada Maraykanka ee Ciraaq

0

(Baqdaad) 14 Maarso 2020 – Waxaa dhowr hoobiye lagu asqeeyay saldhig ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, maalmo uun kaddib markii sidan oo kale loo weeraray laguna diley 3 askari oo ay 2 Maraykan ahaayeen.

Saraakiil u hadashay amaanka Ciraaq ayaa sheegay in uusan jirin wacaal ku saabsan waxyeellada ka dhacday xerada Camp Taji, oo ku taalla woqooyiga Baqdaad.

Gaashaanle Ciraaqi ah oo ku jira gudaha xerada ayaa  Reuters u sheegay inuu maqlay ilaa 10 madfac iyo dawanka qayla dhaanta oo baxaya.

Ma jirto cid ilaa iminka sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Maraykanka ayaa weerarkii Arbacadii – kaas oo aanay cidina sheeganin  – wuxuu dusha ka saaray malliishiyaad ay Iiraan taageerto, isagoo markii dambe duqeeyay, isagoo diley 5 askari oo Ciraaqi ah iyo qof rayid ah.

Maraykanka iyo Iiraan ayaa weerar noocan oo kale ah isku eedeeyay bishii Diseembar, kaasoo sababi gaarey dagaal furan oo dhex mara.

Hadalsame Media