Tillaabo ka dhan ah Dastuurka dalka oo ay ku dhaqaaqday Wasaarad ka tirsan Xukuumadda Somalia

0

(Muqdisho) 13 Maarso 2020 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda DF Somalia ayaa ku kacday tillaabo ka hor imanaysa Dastuurka dhexe ee qaranka, isla markaana sii kordhinaysa jahawareerka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa soo baxday warqad lagu eedeeynayo inuu qoray Wasiir Gudeedka Somalia, Md Cawad, taasoo ku socota Waaxda Socdaalka Somalia.

Wasiirka ayaa wuxuu Baasaboor Diblomaasi ah u dalbayaa nin jagadiisa lagu sheegay ”Wakiilka Puntland u fadhiya Nairobi”, taasoo si cad u jebinaysa Dastuurka Federaalka ah.

Marka la eego Dastuurka Somalia ee qabyada ah; arrimaha socdaalka, difaaca, siyaasadda lacagta iyo arrimaha dibeddu waxay ka mid yihiin shaqooyinka u dhowran DF oo qura.

Haddii ay warqaddani dhab tahay, wuxuu Wasiirku jebinayaa Dastuurka isagoo shaqadii ay Dowladda dhexe lahayd si sharci darrro ah qaarkeed u siinaya gobol uu u abuurayo qorshe diblomaasiyadeed oo gaar ah, taasoo burburinaysa midnimada siyaasadda dibedda dalka.

Hadalsame Media